globalpressonline globalpressonline

Qaar ka mida wasiirrada cusub oo maanta toos u howl-billaabaya xilalka kula kala wareegayaan

Mogadishu. Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka socota qabanqaabada munaasabado ay xilalka kula kala wareegayaan wasiirro ka mid ah xukuumaddii uu xilkeedu dhammaaday iyo tan cusub. Wasiirro ay ka mid yihiin arrimaha gudaha, maaliyadda, iyo amniga ayaa maanta toos u howl-billaabi doona, ka dib marka ay xilalka kala wareegaan wasiirradii iyaga ka horreeyay.

Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul-wasaaraha dalka ama ku-xigeenkiisa ay ka qeybgeli doonaan munaasabadaha xilalka lagula kala wareegayo. Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa waxa ay la timid barnaamijyo ay uga duwanaanayso xukuumadihii iyada ka horreeyay, waxaana ka mid ay barnaamijyadaas tirakoob iyo diiwaangelin lagu sameeynayo hantida gaarka ay ee wasiirrada, si loo xisaabiyo marka ay xilalka la wareegaan ka dib.

Comments are closed.

Contact us

Email: info@globalpressonline.com