globalpressonline globalpressonline

Daawo video khudbaddii Ra’iisal wasaare Kheyre ee Ansaxinta Golaha Wasiirada

Mogadishu. Laba boqol iyo afar labaatan ( 224) Xildhibaan oo ka mid ah. Baarlamaanka Somaliya, ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre .Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku meelmariyay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Somaliya, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey oo shir guddoominaayay kulankan, ayaa ku dhawaaqay in 224 Xildhibaan ay haa ugu codeysay Golaha Wasiirada, iyadoo 15 ay diiday halka 2 kalana ay ka aamustay. Gudoomiye Kuxigeenka, ayaa sheegay in Xukuumaddu tahay mid ansax ah. Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa Xildhibaanada kaga mahadceliyay taageeradooda. Ra’iisal Wasaaraha, ayaa 21-kii bishan soo magacaabay 26 Wasiir, 26 Kuxigeeno, 15 Wasiiru Dowlayaal iyo hal Ra’iisal Wasaare Kuxigeen.

Comments are closed.

Contact us

Email: info@globalpressonline.com