globalpressonline globalpressonline

Madaxweyne Farmaajo oo Villa Somalia ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson (Daawo Sawirada)

Muqadisho. Waxaa maanta magaalada Muqdisho booqasho aan horey loo sii ogeyn ku yimid Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xarunta Madxatooyada Soomaaliya ku qaabilay Boris Johnson , waxa ayna la bada dhinac yeesheen kulan ay uga hadlayeen xoojinta xariirka labada dowladood iyo sidii Britain uga qeyb qaadan laheyd gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Waxa ay sidoo kale kawada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain shir looga hadlayo arimaha Soomaaliy oo la filayo in bisha May lagu qabto magaalada London ee caasimada dalka Britan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson ayaa sheegay in xiligan Soomaaliya ay horumar wanagasan ka sameeneyso dhinacyo kala duwan sida Dimuquradaiyada, waxa uuna soo dhaweeyay doorashadii uu ku guuleestay Madaxweyne Farmaajo.

Comments are closed.

Contact us

Email: info@globalpressonline.com