globalpressonline globalpressonline

Danaha Siyaasadeed Iyo Dhaqaale ee qarson kana dhxeeya Xisbiga Kulmiye iyo Siyaasiyiinta Somalia Qaybta 2’aad : By Dahir Sancaani.

Si aynu u wada fahano siraha ku duugan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee xisbulxaakinka Kulmiye waa inaad marka hore hoos ugu daadegtid magaca xisbiga iyo astaamihiisa gaarka ah Kulmiye waa magac laga isticmaalo koonfur Somalia oo ah dalka aynu kala noqonay 1991 waxaase yaab leh sababta ay madaxda xisbigu ugu wanqaleen magacaas qalaad runtii wey jirtaa odhaah odhanaysa in loogu magac daray curadka madaxweyne Siilaanyo isla markaana ahaa asaasiyihii koowaad ee xisbiga Kulmiye laakinse waxaa taa ka dhaw sida cadceedana u cad xulufaysi beelaysan in uu ku salaysanyahay xisbigu kaas oo laga dhadhansan karo hab dhismeedka xisbiga oo ay ku badanyihiin ashkhaas ku abtirsada labo ardaa ahna gacmaha ku sawiran calanka Kulmiye hadii uu ahaan lahaa xisbi giraan ah sida uu Xirsi ku sheegay Wadani oo aan u xidhnayn jeegaan waxaa lagu arki lahaa gacmo ka tiro badan labo gacmood cida shaki kaga jiro dhismaha Kulmiye in uu yahay xisbi ay ku bahoobeen labo beelood ha ku noqdo ereyadii argagaxa ku riday bulshada ee ay wasiir Samsam Burco kaga tiraabtay labadaa beelood oo raba inay siyaasada iyo dhaqan dhaqaale Somaliland labadaa gacmood inaanuu marnaba ka bixin sanado badan sida ay badi carabka ku dhuftaan siyaasiyiinta waaweyn ee Kulmiye uguna horeeyo Muuse Biixi Cabdi oo laga hayo inay rabaan in Kulmiye xukunka hayo mudo dheer oo aanay marnaba qorshaha ugu jirin in ay xukunka ka dagaan si kastabe ha noqotee.

Siyaasada Kulmiye kuma koobna xuduuda Somaliland xiligan aynu joogno iyo intii ka dambeysay guushii 2010 la soco muwaadin waagii hore madaxda Kulmiye waxey burush federaal ah marin jireen beelaha kale ee aan ku jirin Kulmiye siiba beesha uu ka soo jeedo Gudoomiyaha barlamaanka/Wadani Cabdiraxmaan Cirro nin rag ah waa garanayaa sababta ay shiishka federaalka ku eekaysiiyiin Cirro halka ay ka reebeen kaadiriyiinta kale ee xisbiga ee la socotay doqona loo sheegi maayo siyaasada ka dambeysa hadaba si kastabe ha u dhacdee xagaa iyo Xamar waxaa u badnaa siyaasiyiinta beelaha Garxejis iyo Samaroon kuwaas oo kaalin mug leh ku lahaa siyaasada Soamlia ee ku aadan Somaliland waxaana xusuus mudan Muuse Biixi oo mar ku lahaa Cirro inaanay Kulmiye la hadlin Somaliya iyo Caydiid IlkoXanaf oo markaa ahaa xaakinka sare ee dowlada Somalia halka uu teleefanka Muuse iyo Faysal Cali Waraabe iyo ka Siilaanyo si toos ah ugu xidhanyihiin xaruunta Villa Somalia bal la soco mudo yar ka dib waxaa xilkaas xaakinka sare buuxiyay xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland kana tirsan xisbiga Kulmiye waana raga ku tagay talo dowladeed in yar ka dib waxaa isna iska xaadiriyay Xamar agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta ee uu wasiirka ka yahay Cadaani labadaas masuulka riwaayad yar bay shacabka Somaliland u dhigeen iyaga oo leh aroos buu tagay iyo fasax buu sii qaatay iyo ereyo kale oo aan u cuntamayn inta xiskoodu noolyahay.

Dwolada Somaliland ayaa iyada oo adeegsanaysa xawaaladaha Somaliland ka dirtay inta ay socotay doorashada xildhibaan ku sheegyada Somalia ama qolyaha Dir Waqooyi ee uu sutada u hayo Maxammad Cumar Carte oo kalsooni buuxda ka haysta musharax Muuse Biixi ayaa kor u dhaaftay $550,000 ka badan half million dollar oo ku baxday doorashada xildhibaanada ka soo jeeda beesha musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo qudhaata waana kuwan.

Halkan ka Aqriso Magacyada iyo Qabiilada ay kasoo jeedaan Xildhibaanadan
1-Cabdalla Xaaji Cali (Ciise Muuse-Maxamead Ciise)
2-C/Raxmaan Iideen Yoonis (Sacad Muuse- Miikaahiil)
3-Sahra Yuusuf Cige (Sacad Muuse-Cabdalla Obokor)
4-Faadumo Odawaa Raage (Ciise Muuse-Aadan Ciise)
Qaybta dambe la soco iyo heerka ay islamarayaan Kulmiye iyo Xamar iibka dekeda/Xerada Ciidamada UAE iyo saxeexa Xasan Sheekh balahama dambe ee doorashooyinka lala sugayo iyo weliba iskaashiga xaga siyaasada labada dhincba.

Daahir Sancaani
dsancaani88@gmail.com

Comments are closed.

Contact us

Email: info@globalpressonline.com