globalpressonline globalpressonline

Khasaaraha iyo Faa’idooyinka uu JSL u yeelan karo Saldhiga Ciidanka isbahaysiga Carbeed ay Berbera ku yeelan doonaan. Qalinkii A/rahman fidhinle UK

Somaliland waxay dhacdaa marin biyoodka muhiimka ah ee loo yaqaan Baab Al Mandab ( The gate of tears ) marinkaas oo sida Suez-ka oo kale isku xidha Badda cad, Bada cas iyo Badweynta Hindiya. Marinkan muhiimka ah oo uu hada ka socdo loolanka gacanka cadmeed, ayaa waxaa dhawaan Isbahaysiga Carbeed JSL ka soo codsadeen in ay Saldhig Ciidan ( military Base ) ka sameystaan Gegida Dayaaradaha ee Magaaladaha Berbera oo hore u ahaan jiray Garoon Ciidan. Waxaa kale oo ilo wadareedyo udhuun daloola hawlahani ka dhawaajiyeen in ay isbahaysigaa carbeed ay doonayaa iyana , inay Saldhig kale oo badeed ay ka yagleeshaan Xeebta Awliyo koonbo oo 15 km xaga Waqooyi Koonfureed ka xigta Magaalada Berbera.

Saldhigan balaadhan ayaa isbahaysiga Carbeed u ah ” strategic interest ” Waxaana uu ku fadhiisan doona dhul baaxadiisu tahay 40 Miles aquare oo Saldhig ciidanka Cirka ah ” Air Base “. Saldhigaas oo Dayaaradaha dagaalka iyo hubkoodu hogan doonaan kana dagaal geli karaan markii loo baahdo..Waxaa kale oo Saldhigan lagu kaydin doonaa hubka Ciidamada kala duwan iyo saanada dagaalka, waxaana laga dhisi doonaa dhakhtar lagu daaweeyo bukaan socodka iyo dhaawaca ciidamadaa isbahaysiga carbeed. Waxaa kale Saldhigu yeelanayaa qayb badda ah oo aan aad uga fogeyn Saldhiga Ciidanka Cirka hadii lagu heshiiyo. Saldhigaa labaad oo noqon doona Saldhiga Ciidanka Badda ” Naval Base ” ayaa isna ku fadhiisan doonta dhul baaxadiisu tahay ugu yaraan ilaa iyo 20 Miles square kaas oo Maraakiibta Dagaalku ay ku soo xidhan doonaan, hogan doonaan oo shidaalka ka qaadan karaan, Shixnadaha dagaalkana ku keydsan doonaan kana shiraacan doonaan oo ka dagaal geli karaan.

A formation of F-16 Fighting Falcons from the 8th Fighter Wing at Kunsan Air Base, South Korea, fly in close formation near the base on Friday, April 28, 2006. The formation was led by Col. Brian Bishop, 8th FW commander. (U.S. Air Force photo/Master Sgt. Richard Freeland)

Hadaba Su’aasha Qarniga ee Shacab weynaha reer Somaliland isweydiinayaan ayaa odhanaysa:

1-Sidee Dawlad aan la ictiraafin heshiis baaxadaas leh ula geli kartaa Dawlado baaxad leh oo aan ictiraafsaneyn oo ujeedooyinkoodu ku kooban yihiin” Security interests” ?
2- Heshiisku si cad maw-qeexayaa in ay Ciidamadda Somaliland tababarayaan, kana caawinayaan xaga saanada iyo qalabeynta?
3- Ma laga yaabaa in Ciidamada isbahaysiga Carbeed ay soo fara geliyaan Amaanka JSL oo ay isku dayaan in ay kantaroolaan Ciidanka kala duwan ee JSL ?
3- Ma laga yaabaa in uu Saldhigan iyo Ciidamadiisu ay inagu soo celiyaan khal-khal amni, iska hor-imaad Ciidan oo hor leh iyo Colonial Mentality ?
4- Saldhigani tixgelin gaar ah ma siinayaa oo ajandihiisa ma ku jirtaa Qadiyadii Gooni isu taaga Somaliland oo ma ina ictiraafayaan isbahaysiga carbeed ?

Waa maxay Saameynta taban iyo khasaaraha muga leh ee Saldhig Ciidan oo Berbera laga dhisaa uu ku yeelan karo JSL ?

A) Wuxuu shacabka Somaliland ee gaadhaaya 3.4 Million-ka uu badhtanka u dhigi doonaa khatarta dagaal caalami ah ( International War )
Waayo hadii Saldhigu wax weeraro weerar celiska cida ay saameynaysaa ee ku dhimanaysaa waa shacabka Somaliland ee aan waxba galabsan.
B) Waxay Somaliland yeelanaysaa Cadow international ah oo target u noqon kara loolanka gacanka Cadmeed iyo Wadamada lagaga duulo Saldhiga Berbera .
C) Somaliland oo ah dawlad aan la ictiraafin waxay si khatar leh u dhex fadhiisanaysaa Game ama shax ay ciyaarayaan Dawlado loolamaaya oo aan ictiraafsaneyn.
D) Waxaa Saldhigani sababi karaa in ay dadka degaanka degan ay isku dhacaan Ciidamada, siiba reer miyiga oo laga xidhi doono dhulkii marinada u ahaa qaar kood.
E) Waxaa Saldhigu wax-yeelaynayaa Bay’ada Gobolka ” Environment ” maadaama ay soo kordhinayaa qiiq badan, guux iyo sanqadh badan,xashiish, fadare iyo bulaacado.
F) Maadaama ay carab kibirtay ka soo jeedaan, Ciidamadu waxay bilaabi karaan in ay ugaadha iyo shimbiraha ugaadhsadaan oo ay dhasha kaluunka badda ka xaalufiyaan.
G) Waxaa laga yaabaa in ay ciidamadaasi la yimaadaa saxmad badan oo xaga gaadiidka cirka iyo dhulka ah iyo dhaqan xumo ay dadka degaanka ay kula kacaan
H) Hadii ciideena Ciidamada Cirka ee isbahaysiga iyo Ciidamo kale ku hirmadaan waxaa dhimanaaya oo god madow ku dhacaaya macagii Dowladnimada Somaliland.
I) Maadaama Somaliland aan weli la ictiraafin hadii muran, ismaan dhaaf iyo dhib weyni ay timaado , maxkamadaha aduunka kama dacwoon karno dowlad ahaan.

Waa maxay Faa’idooyinka yar ee Saldhigu u keeni karo Somaliland gaar ahaan Degaanka Gobolka Saaxil ?

A ) Wuxuu saldhigu soo kordhin karaa Shaqo abuur kooban, waxaana uu keeni karaa Faa’ido dhaqaale iyo mid ganacsi oo aan aad u badneyn.
B ) Waxaa Ciidamadda Jamhuuriyada Somaliland ay ka heli karaan tababar iyo Saanad ciidan in kasta oo ay khatar ugu jiraan in dusha laga xukumo.

Guntii iyo Gebagebadii: Markaad is-barbar dhigto khataraha ka iman kara iyo Faa’idooyinka inoogu jira Saldhig Ciidan oo laga dhiso Gegida Dayaaradaha ee Berbera, waxaa aad ubadan Khataraha dahsoon ee inooga iman kara Dal iyo Dad ahaan Sidaa daraadeed,Waxaa Golaha Baarlamaanka ee Somaliland laga codsanayaa in Saldhigan Ciidamadda ee Berbera ay khataraha ku gedaaman taxadar badan iyo wada tashi badan ka sameeyaan gaar ahaan nuxurka ku duugan isfahanka heshiiskaasi huwan yahay ka dibna aanay ansixin ee ay laalaan oo ay muraadkooda sharci ka gutaan khatardiisa badan awgeed.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive ED BD PA Advisor.
United Kingdom
London

Comments are closed.

Contact us

Email: info@globalpressonline.com