globalpressonline globalpressonline

Gudida Horumarinta ee degmooyinka Sabowanaag, Cadaadley iyo Bariga Hargiesa ee Samo-wade waxuu si wayn u cambaareenayaa hab dhaqanka guracan ee Xukuumada Ahmed Silanyo

Marka hore Illahay (sw) waxaa inooga baryeeynaa in abaartaa dalka oo dhan ku habsatay uu inooga naxariisto oo raxmadiisa inoo shubo. Waxa kale oo abaartaas inoo dheer aafo kale oo maamul xumo oo iyana dalkii ragaadisay si gaar ahna aad moodo in ay maamulka Ahmed Siranyo indhaha uga lalinayaan baahiyaha adeega Bulshada ee ka jira Degmooyinka Sabawanaag, Cadaadlay iyo Bariga Hargeisa, Degmooyinkaas Cadaadley iyo Sabowanaag oo ay ka jirto abaar aad ugu baahday xoolahiina ay idlaadeen, dadkeenii ay macaluuul qarka u saaran yahiin, waxay Dowlada talada haysaa ay ilaa hadda indhaha ka qarsanaysaa abaartaas iyada oo aan wax gargaar ah ka gaysan, waxa kale oo jirta in ayna jirin adeegii arimaha Bulshada ee labadaas Degmo, sida ruugaha caafimaadka, iskuulada iyo xarumaha xanaanada Xoolaha, iyadoo ilaa hadda ayna Dowladu ka dhabayn balan qaadkii dhismaha Dugsiga Cadaadley qaybtii ay dowladu ku balan qaaday iyo Ambalaaskii ay Wasarada Caafimaadku ugu deeqday Degmada oo ilaa hadda aan midna soo gaadhin Degmada.

Dadka dega degmooyinkaasi waxay in badan ka dhar sugayeen in mar uun ay dowladu waajibaadkeega kasoo baxdo oo waxka qabato dayaca iyo daryeel xumada ka taagan deegaanadaas balaadhan ee labada Degmo, waxaana masiibo ah in maamulka Ahmed Siraanyo uu il cadowtinimo ku eegayo Deeganada Sabowanaag, Cadaadlay iyo Bariga Hargiesa, iyadoo oo ayna ilaa intii Xukumada Kulmiye talada la wareegtay ayna Degmooyinkaasi marna ka helin xaqii ay ku lahaayeen maamulka Gobolka Maroodi Jeex iyo Dowlada Dhexeba.

Sidaas darteed, anaga oo ah Gudida Horumarinta iyo Siyaasada ee Degmooyinka Cadaadley, Sabawanaag iyo Bariga Hargeisa ee Samowade waxaa ugu baaqaynaa Dowlada inay wax ka qabato daruufaha qalafsan ee ka jira Deegaanadaas, waxaanu kaloon cambaareenaynaa in Madaxweynahu uu duudsiyay xaqii Degmoiyinkaasi ay ku laahaayeen Maamulka Gobolka Maroodi Jeex iyo Dowlada Dhexeba isaga oo aan masuuliyiin kasoo jeeda Degaanada Sabowanaag, cadaadlay iyo bariga Hargieisa ama (Beesha Isxaaq Care) kusoo darin digrootooyinka saqda dhexe kasoo baxa Madaxtooyada.

Waxaanu ugu baaqaynaa Madax dhaqameed, waxgaradka, dhalinyarada, qurbojooga, haween weynaha iyo dhamaan bulsho weynta Degmooyinka Sabowanaag, Cadaadley iyo Bariga Hargiesa inay u midoobaan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha Degmoiyinkaas ragaadiyay iyo sidii aynu ula xisaabtami layayn Maamulka Wadanka ka taliyo si aan uga helno waxii aan xaqa ugu lahayn, una diyaar garooban shirweyne aayo ka tashi oo dhawaan la iclaamin doono insha allah.
Allaa Mahad leh

Nuuradiin Muuse maxamed

Xooghayaha Gudida Horumarinta ee Cadaadley, Sabawanaag iyo Bariga iyo Koonfurta Hargeisab ee Samowade (isxaaq Care).

Comments are closed.

Contact us

Email: info@globalpressonline.com