globalpressonline globalpressonline

Xirsi Cali Xaaji Xasan hogaamiye hilaadin leh,hindisihii waxa maanta xukuumadu ku Faanto : By C/raxmaan Sayid Farax (Jeesto)

Taariikhda ama sooyaalku waxa uu xusaa dhacdooyinka, mahadhooyinka, iyo waliba ifafaalooyinka tagtada ah amba timaadadaa hadaba anigoo tix-raacaya Sooyaalka kooban ee Somaliland iyo doorka shakhsiyada Xirsi cali xaaji xasan, mudanahi waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo ku cusub saaxada Siyaasada dalkan Somaliland, Waxana ugu horeeyey albaabkii uu ka soo galey Xilalka uu Qaranka ka qabtey oo ahaa Komishankii hore ee jamhuuriyada Somaliland.

Ka dib markii halkaa lagu bartey mudane Xirsi cali xaaji xasan waxa kaalintaa uga danbaysey qabashada masuuliyada uu ku aaminey Madaxweynaha haatan talada dalka Haya Mudane Axmed siilaanyo oo Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, Runtii waa bartii lagu bartey xirsi aadka uu uga soo shaacbaxey, lagu dareemey, kartidiidiisa lagu ogaadey, Dhamaan Somaliland ay garwaaqsatey awoodiisa Siyaasadeed Ee hadana saaxada ku cusub.

Lama maqal soomaali hadaan nahay abidkeen nin magac yeesha oo soomaali ah ilaa iyo hadii kale uu yahay nin adag umada ka duwan, waligeed soomaalida bal u fiirso nin kastoo caan ah lagu tuhmo shaac-bax ama magaciisa oo balaadha, taasina waxay ka turjumaysaa qofkaa hadal-hayntiisu badatey kartidiisu inta ay gaadhsiisan tahay. Sidaa darteed waxaan odhan karnaa mudane xirsi cali xaaji xasan waxa uu noqdey DHeeman ama jawharad ay Somaliland nasiib u heshay isla markaana wax badan u suurta galiyey , waxyaabahaana waxa kaaga marag kacay maanta guulaha ay sheegtaan dhamaantood xukuumada talada dalka haysaa waxa naaqishey waa mudane xirsi, Daliilkeeda labaadna waa tan odhayneysa maanta madaxtooyadii shacniga ahayd awalkii hore imika waxa laga dareemayaa habacsanaan iyo liidasho ka dayrina.

Sidoo kale tibaaxa aan ka dhugtey ilo Xog-ogala waxa ley tibaaxey in xirsi meel kasta oo uu shaqo ka soo qabto ka dhex dhalaali jirey hadey tahay Dahabshiil, Somtel, Simad , Somiland Commession, Isla markaana uu heer gaadhsiiyo, Halkaana waxaa kaaga cadaanaya in Mudane Xirsi yahay hogaamiye dhameystiran oo gun-yar-socoda talaabada uu qaadayana ka fiirsada Siyaasadiisuna Soo jeedo oon gam,asanayn.

W/Q: C/raxmaan Sayid Farax (Jeesto)
Gabiley/Somaliland
Diplomatic Annalysts

Comments are closed.

Contact us

Email: info@globalpressonline.com