globalpressonline globalpressonline

Wasiir Cali Mareexan oo shaqadiisii koobaad ka degay colaada , cadaadiska iyo cadownimada U hayo wariye Muniir Axmed Cigaal. Cadaawada qarniga

Wasiiradda Beesha Madaxweyne Siilaanyo oo Shaqadii Qaranka Kaga Mashquulay Xag-xagashada Wariyaha Rug Cadaaga ah ee Muniir Axmed Cigaal+ Cali Mareexan oo ku Fashilmay Dhismaha Wadooyinka. Wasiiradda kasoo jeeda qoyska madaxweyne Siilaanyo ee hadda Xilalka Wasiirnimo ka haya Xukuumadiisa ayaa u banbaxay dagaal caadifadeysan oo ay ku hayaan Wariyaha Rug caddaga ah Muniir Axmed Cigaal, isla markaana Maamulaha Wargeyska madaxabanaan iyo Gudoomiyaha Shabakada wararka Somalilandtoday. Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Cali mareexan oo shaqadii qaranka kaga mashquulay Shirqoolada Siyaasadeed ee Gudoomiyaha Kulmiye u maleego Beesha Bariga Burco, kala qaybinteeda iyo weliba Wasiirka Madaxtooyadda maxamuud Xaashi oo Shacabka somaliland siyeen Shahaadada Beenta ayaa isku bahaystay Cabudhin, cadaadis iyo cago juglayn joogta ah oo ay ku hayaan Muwaadin Muniir Axmed Cigaal oo hayb ahaan ay isku beel yihiin, iyagoo ku dhibaateynaayan, isla markaana ka doonaya inuu u guulwadeeyo Wariyahan aqoontiisa saxaafadeed ugu adeegaya Bulshada somaliland, oo usoo bandhiggaayo dayacnaantooda shaqo iyo ilaha dhaliilaha ay ku leeyihiin, xil gudasho la”aanta mansabyada ay huwan yihiin.

Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Cali Mareexan ayaa dhowaan amar ku siiyey wasiirka Warfaafinta Mr. Caddaani inuu shaqadii Telefishanka Qaranka ka joojiyo Wariye Muniir Axmes Cigaal oo kamid ahaa Wariyaasha Rug caddaaga ah ee ka hawlgali jiray Tv-ga Qaranka, iyagoo ku dooday inuu u guulwadeyn waayey, isla markaana uu Warbaahintiisa gaar ka ah kusoo bandhigayo Warar dhexdhexaadnimo tilmamaya, halka ay wasiiraddani doonaayan inuu Wariye Muniir iyaga danahooda gaarka ah u baahiyo. Geesta kale, labadan Wasiir gaar ahaana Wasiirka hawlaha Mr. Cali Mareexaan oo ah wasiir Layli ah oo aan hayin ahayn, waxa uu Wariye Muniir Axmed Cigaal, ku hayaa Cay iyo aflagaado qaawan, isaggo Website-yo uu gaar uu leeyahay ku aflagaadeyey, kaddib markii ay raaligelin waayeen Wararka uu baahiyo Shabakadiisa iyo Wargeyskiisa madaxabanaan. Wasiir Cali Mareexaan ayaa u miliqsanaaya Hantida Qaranka ee uu Madaxda u yahay, isaggoo mudadii uu wasiirka ahaa uu ku fashilmay dhismaha Wadooyinkii dalka oo gabi ahaanba istaagay, iyadoo uu fashilmay Mashruuci wadaadda Ceerigaabo. La soco warbixino taxane ah.

Qore
Cabdifataax Cali Faarax.
Hargeysa/Somaliland
fataax4144@gmail.com

Comments are closed.

Contact us

Email: info@globalpressonline.com