globalpressonline globalpressonline

Fadeexadaha qaawan ee dhaawici kara jiritaanka Dimuqraadiyada Curdinka ah ee Somaliland hadii aan dhakhso loogu gurman.

1- Xukuumadii iyo Golayaashii Sharci dejinta oo Maandheykoodii uu dhaamay:
Somaliland waa dawlad aan la ictiraafin oo lugo jilicsan ku taagan taas oo hadana xili waqtiyeedkeedii iyo maandhaytkii uu shacabku doortay ay dhamaatay 27/6/2015 Xukuumada JSL waxay kursiga ku fadhidaa mudo kordhin kooban si ay dalka u gaadhsiiso doorashooyin xor ah oo xalaal ah 27/3/2017 . Daalaadhaca ka muuqada ee ay Xukuumadu labada Doorasho ku kala qaadaysaa waxay keeni doontaa in Somaliland suncadii iyo kalsoonidii ay Caalamka ku lahayd ay aad hoos ugu dhacdo gaar ahaa karaamadadii iyo kalsoonidii ay u hayeen Somaliland deeq bixiyayaashii ka caawinaayey kharashka doorashooyinka iyo diiwaangelintaba.

2- Golaha Baarlamaanka: “Waxay noqdeen goob laga xoogsado
Waxay ka gaabiyeen in ay metelaan Shacabkii iyo Deegaankii laga soo doortay. Waxay caalamku daalacdeen in Golaha Baarlamaanka Somaliland ay iyaguna kuraasta iska fadhiyaan mudo 12 sanadood ah kuwaas oo maandhaytkoodii shacibigu ku doortay ay ka dhamaatay 7 sanadood ka hor hawlahoodii dastuuriga ahaana way gabeen . Waxaa Shacabka reer Somaliland wada og yihiin in xubnaha Golaha Wakiiladu ay u qaybsamaan laba qaybood marka mooshin la keeno golahooda kuwaas oo kala ah
A) Qaar shaqadoodii noqotay Guulwadeyn iyo Dilaalnimo B) iyo qaar iyagu iib ah ” for sale ” oo weliba raqiis ah.

3- Golaha Guurtida : Malaha ” Balance of power ”
Waxaynu ka wada dheregsanahay in Golihii Guurtida JSL uu hagaasay kadib markii uu noqday gole dhaxal tooyo ah, Waxaa la isku raacay in 82 xubnood ee golaha guurtida Somaliland aas aasey ay hada ka sii nool yihiin 11 xubnood oo keliya . Dhamaan xubnaha dhaxaltooyda ku yimina ay yihiin xubno da yar oo aan waayo aragnimo guurtinimo oo dhaqan ah aan laheyn taas oo keentay in hawshii Guurtidu ay gaabis noqoto oo xataa beelaha walaalaha ee dalka gudihiisa ku dagaalamaya ay u gurman waayaan oo nabad-sugidii dalka ee xaga dhaqanka ay ka gaabiyaan.

4- Hayadaha dawalada iyo qorsheyaashooda :
dhamaan qorsheyaashii dawladeed ee dalka oo noqday qaar male-awaal iyo riyo ku saleysan, kuwaas oo aan ku saleysneyn baahiyaha kala horeeya ee shacabka baahani u baahan yahay. Waxaan indhahayga ku arkay qorsheyaal aan ujeedooyin cad cad laheyn oo aan laga fuudhyeelin baahiyaha aas aasiga ah ee mudan in la tix geliyo Taas oo iyana kuwii la qorsheeyey aaney laheyn cabir iyo halbeeg lagu dhereriyo ama lagu fuudhiyo. Boowe ! Bal kawarama qorshihii qaranka oo Wasaaradihii iyo Wakaaladihii ay u arkaan qorshe Wasaarada Qorsheynta Qaranku ay gaar u leedahay. Arintani waxay cadeynaysaa in aanay Hayadaha dawladu laheyn wada shaqeyn cokan oo joogto ah.

5- Wasaarada Duulista Hawada: “waxay noqotay seere shaqsi uxidhan”
Waxay wasaaradani noqotay “Wasaarad u Seeran oo u xidhan shaqsiyaad gaar ah” waxaana aan balaysin uga dhigayaa iyada oo Wasaarada Duulista Hawada mudo yar oo 8 bilood ah 3 Wasiir la isku bedelay waxaana xaqiiqo ah in arintani ay Sababtay musuqa hadheeyey lacagta aan sharciyeysneyn ee $60 ah ee laga qaado qurbe jooga dalka yimaada, waxaana sharci ah $10 oo keliya oo uu Golaha Baarlamaanku ansixiyey laakiin lacagta $60 weli golaha wakiiladu may ansixin Sanadkan 2016 waxaa qurbe jooga dalka soo galay lagu qiyaasay ilaa iyo 35.000 oo qof taas marka $60 lagu dhufto noqonaysa lacag gaadhaysa $ 2, 100,000 oo dollar. Musuq maasuqa xadhkaha goostay ee ku gedaaman lacagtaa faraha badan ee sida joogtada ah qurbe jooga dalka yimaada looga qaado ayaa sababtay in Wasaarada Duulista Hawadu sal dhigi weydo oo kolba Wasiirkeeda la bedelo oo la baacsado.

6- Heshiiska DPW ay Somaliland la gashay tariikhdii 9/5/2016: Waa heshiis ku saleysan Ganacsi dahsoon.
Heshiiskii qabyo qoraalka ahaa ee xubnihii faraarada lahaa ee Dawlada Somaliland metelaayey ay shirkada DPW la galeen 9/5/2016 Wuxuu ahaa heshiis aan la bisleyn oo dano gaar ah ku qotoma. Waxaa heshiiskan aan shacabku dareemin laakiin ku hoos qarsoon in shirkada DPW ee madaniga macaash-doonka iska dhigaysa ay leedahay maamulkeeda iyo Mulkiyadeeda Dawlada U.A.E oo iyadu ka mid ah Dawladaha lagu magacaabo ” Non Traditional Donors ” taas oo macnaheedu yahay in ay tahay dawlad lacag kaash ah toos u bixisa oo mar walba danaheeda gaar ka ah ku dhameysata, taas oo heshiiskaa ku bixisay lacag aad u badan, Lacagtaas oo qaarna ay qarsoon yihiin sifihii lagu bixiyey iyo cidii qadatay qaarna Xaqal qalin loo bixiyey. lacagtaasina waxay sababtay in si indho’la aan ah loo Saxeexo Dekeda Berbera mudo 30 Sanadood iyo dabo dhah ah.

7- Waxaa mujtamaca reer JSL ay ka dheregsan yihiin in dhamaan Heshiisyadii Xukuumadu gashay intii ay hogaanka dalka haysay ay wada bureen oo bur-bureen waayo waxay wada ahaayeen Heshisyo Ganacsi ku saleysan oo qusum iyo qoon wada ah.Waxaa heshiisyadaa ka mid : A) Heshiiskii Hawada ee ay Somalia la gashay. B) Heshiiskii shirkada Genel Energy ay la gashay. C) Heshiiskii ay Ciidamada Ilaalada Shidaalka ( O.P.U ) ay la gashay. D) iyo Heshiiskii dawladii Cigaal Shirkadii shidaalka ee Total ay lagashay oo Xukuumadani jebisay dacwadeeduna ku soo maqan tahay. E) Heshiiskan ay dhawaan Xukuumadu la gashay shirkada DPW ayaa isna u muuqada mid aan fuleyn maadaama Xukuumada waqtigeedii ay ka hadhay 6-bilood oo keliya oo aaney welina mujtamaca JSL u soo bandhigin khasaaraha iyo faai’dada ugu jirta qaranka heshiiskan 30 ka sandood qaadan doona.

8- Waxaa aqoonyahanka fogaan araga ahi isku wada raaceen in shirkada DPW marka ay Mulkiyada Dekeda Berbera la wareegto ay u qorshaysan tahay in ay Saami Waafiya ka iibiso Dawlada Ethiopia: Waxaana dawlada Ethipia oo dhulkeedu aanu Bad lahayn ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuushay mudo dheer sife kasta oo 25 keeda markab ee baddaha gacanka cadmeed gaaf wareegaaya ay ugu heli lahayd bad ay wax ku leedahay oo ay ku nastaan, una iibsato maraakiib dagaal oo kale oo quwadeeda military ubuuxiya. Waxaana arintani markhaati u noqonaysaa sidii dawlada Ethiopia ay Heshiiskan meel marintiisa uga qeyb qaadatay.

9- Guntii iyo Gebagebadii Qormadan: Waxay Xukuumada Siilaanyo kala dooran doontaa dhawaan in ay laba arimood oo udaran mid uun doorato.
A) Dib-uhabeyn deg-deg ah (reforms) kuna saleysan wada tashi qaran. B) iyo in ay filato kacdoon dadweyne (Revolution ) ka bilaabmi doona Galbeedka dalka.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive ED BD PA Advisor.
United Kingdom
London

Comments are closed.

Contact us

Email: info@globalpressonline.com