globalpressonline globalpressonline

Waa maxay sababta siyaaiyinta,suladiinta,mujaahidiinta Iyo aqoonyahanka Somaliland uga soo horjeedaan Wasiir maxamuud xaashi?

Waa qormooyin xiiso badan kuna eegi,doono wixii siyaaiyiinta,sulaadiinta,mujaahidiinta,Somlialnd iyo waliba aqoonyahakuba ku sifeeyen,wasiirka madaxtooyada,Somaliland Md maxamuud xaashi cabdi oo hada ah wasiirka ugu awooda badan xukumada Kulmiye. Wasiir maxamuud xashiga madaxtoyada Somaliland oo waqti xadirka ah wasiirku ugu hadal haynta badan,guud ahaan Somaliland,hadaba aynu oo qaadano siyaaiyiinta iyo aqoonyahanka aadka ugu xeel dheer shakhsiyada wasiirka. Waakan siyaasi,mujaahid cali curi. MujAAHID Siyaasi cali curi,oo ah siyaasiyiinta waqtiyada badan ay soo wada qateen wasiir maxamuud xaashi cabdi isla markaan ah shakhsiyadka aadka ugu dhuun doloola shakhsiyada wasiir maxamuud xaashi ayaa ku tilmaamay maxamuud xaashi inuu yahay wasiirka ugu beenta badan guud ahaan siyaasiyinta Somaliland,waxa yidhi.

“Ninka la yidhaa maxamuud xaashi anigu si fiican ayaan u aqaan shakhsiyadiisa muddo badana waxanu wada ahayn xisbiga kulmiye,waa nin Qabyaaladaysta ah,oo cunsuri ah,waana dagaal ooge waxad ku xasuusataa waqtigii madaxweyne siilanyo doorashada lagaga helay 80 cod waa ninkii ku baqay in la dagaalamo,oo wadanka dagaal laga riddo,waxanu siyaasi cali curi hadalkiisa ku soo gabagabeyay manta ninkii sidaa ahaa ayaa wadankiii u talinaya,waana ayaandarooyinka shacbiga Somaliland ragadiyay se waalaga soo doogi doona”

Wasiir maxamuud xaashi waxa markasta siyaasiyiinta Somaliland ku sifeyaan shakhsi been badan,oo aan wacad lahayn,sidoo kale waxay ku tilmaaman shakhsi qabyaaladu madax martay oo inta badan ku foogan kala qobqobka,iyo qabqaybinta shacbiga Somaliland,waakan markale. Xildhibaan siciid cilmi Rooble,oo xildhibaanada sida wayn u yaqaan wasiir maxamuud xaashi cabdi waana xildhibaanka kaliye ee aan runta la gaban ayaa waxa uu daaha ka fayday shakhsiyada,iyo taarikhaha madaw ee maxamud xashi kuna sifeyay qabyaali waxaanu yidhi
Ninka maxamuud xaashi anagu golaha ayaanu ku wada jirnay,waxaanu ahaa nin aan aqoon badan lahayn,se uu ahaa nin qabyaalad badan,waa ninka xiligaa ku fooganaa qobqobka iyo qabyaalada reeraha waxanu liis xiligaa ku soo qoran jiray intasa reer hebel,ah ayaa agaasimayaal,intaso reer hebela ayaa wasiiro ah,xilligana waxaan fadhiyay golaha wakiilada,maxamuud haashi wuxuu ahaa waligiiba shakhsi qabyaali ah oo qabyaalad ku cabaysnaa Ninka sidaasa manta madaxtooyadii inoo dhex fadhiya,waxaanu ku so gabagabeyay hadalkiisii inuu maxamuud xilka iska warejiyo cudurka uu madaxtooyada la galayna iska saaro. Hadaba cudurka qob qobka iyo qaybinta umada reer Somaliland waxa kow ka noqday wasiir maxamuud xaashi cabdi,noqdayna shakhsi siyaasiyiinta,suladiinta,waxgaradka,aqonyahankuba isku raaceen qabyaladiisa badheedhka ah…

Shakir ahmed
cabdikaariye@hotmail.com
Hargeia
Lasoco qormada Labaad iyo

Comments are closed.

Contact us

Email: info@globalpressonline.com