globalpressonline globalpressonline

Maxad ka taqaana tariikhda madaw ee uu xisbiga Kulmiye ku Lahaa wasiirka cusub ee boosaha loo magacabay (Shaaroon) + Swairo badan

v-300x200

meet_the_past_cropped_-_no_background

In kasta oo Xisbiga Kulmiye ku caanbaxay mudadii uu xukunka dalka hayay, soo xero galinta kuwii ugu darnaa uguna tariikhda xumaa ee Xisbigu ka qaylin jiray marku Mucaaridka aha, hadana waxa wixii hore oo dhan isku fuuqsaday kadib Isku shaandhayntii ugu danbaysay ee Madaxweynuhu sameeyo markii Xilka Wasaarada Boosaha iyo Isgaashsiinta loo magacaabo Maxamuud Sheeh Cabdillaahi Cigge (Shaaroon).

images (20)

Mr. Sharoon, wuxuu aha Badhasaabkii Gobolka Awdal, isagoo xilka hayay intii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin dawladiisu dhisnayd, wuxuu ahaa shakhsigii ugu nacaybka badna ee xita ka necbaa KULMIYE marka la yidhaahdo, Madaxweyne Rayaale oo isagu ahaa shakhsiga tartanku ka dhaxeeyay Axmed Siilaanyo waxa KULMIYE kaga fogaa oo kaga dhib badnaa Maxamuud Shaaroon.

images (5)

Wuxuu nacaybka uu KULMIYE u qabo gaadhsiiyay in markii uu ogaaday inuu Doorashadii ku guulaystay Madaxweyne Siilaanyo, iska casilo xilkii Badhasaabka Awdal nacayb uu Xisbiga KULMIYE u qabo awgii, isagoo ku wargaliyay inay cid u soo magacawdaan Gobolka iyadoo xitaa aan dawladba la dhisin.

images (19)

Ninkii sida aha oo rer KULMIYE ula baxeen magaca Sharoon, iyagoo ugu magacdaray Raysal Wasarihii Xagjirka ahaa ee Yuhuuda kaas oo ciqaabi jiray dadka Falastiiniyiinta, ayuu nasiibku waa cajiiba Madaxweyne Axmed Siilaanyo xil heer Wasiirnimo ah u magacaabay.

images (22)

Ummadda ogayd tariikhdiisa iyo wayihii uu KULMIYE la soo maray Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cigge (Sharoon) xil magacabistiisu waxay ku noqotay af kala qaad, waxayse ummadda tusaysaa in aanay jirin wax tariikh la yidhaahdo oo KULMIYE leeyahay.

Cabdi Suudi
Hargeysa/Somaliland

Comments are closed.

Contact us

Email: info@globalpressonline.com