globalpressonline globalpressonline

Ali xoor- xoor muxuu ka biyo diiday ? maxaa lagu qaniinay ? xageebayse sartu ka qudhuntay

download (14)images (7)e size-full wp-image-19385″ />

Somaalidu waxay ku maah-maahdaa Umuliso iyo nin weyniba siday wax u ogyihiin uma sheegaan. Ali xoor xoor waxaa lagu qaniinay xogta iyo xaqiiqda dhabta ah ee ku gadaaman heshiiska DPW ee sida indho la’aanta ah Dekeda Berbera loogu wareejiyey shirkadaas. Ali wuxuu hoosta ka xariiqay in lacagta maalgelinta Dekeda oo ah $442 million oo mudo 30 sanadood ah marka laysu qaybiyo ay soo baxayso maxsuul ah $14.7 million. Taas oo aan waxba laga Faa’ideyn lacagtaas maadaama Dekedu soo xareyso oo soo saarto sanadkiiba dhakhli dhan $15- 18 Million oo doolar sanadkiiba.
Ali wuxuu fikirkiisa ka dhiibtay qiimaha ay ku fadhido Dekeda berberi isaga oo ka biyo diidsan Nidaamka isku dhex furan ee ku dhisan keli talisnimada iyo amar ku taagleynta. Ali wuxuu ka biyo diiday in lacag aan badneyn oo $15 Million ah faro guudkood lagu qaybsado ka dibna Dekedii Qaranku noqoto timir xabaal taala.

Ali wuxuu qoonsaday heshiiska, markii shirkada DPW ay Dawlada Somalia ka soo saxeexatay heshiiska ka dibna ula yimaadeen Dawlada Somaliland. Ali Waxaa u cadaatay in aanu heshiisku laheyn “Business Plan ” oo aan aanay cadeyn waqtiga Dekeda Cusub loo dhiso doono Somaliland. Ali Wuxuu qoonsaday in aanay Shaqaalaha Dekeda Berberi la xuquuq noqon doonin xuquuqda shaqaalaha DPW aduunka uga shaqeeya oo labour law gii la baalmaray. Ali Waxaa u cadaatay in aanay dawadu Siyaasad cad ka laheyn heshiiskan lakiin kolba xaawaley iyo xidid maal u soo tafo xaydanayaan si ay qadhiidh, qadhaab iyo qudh-qudho joogto ah uga heli helaan.heshiiska.

1- Wuxuu ogaaday in Marka ay shirkada DPW ay hantiyaan Mulkiyada Dekeda Berbera ay sii iibin karaan oo ay xaq u leeyihiin.
2- Wuxuu dersay in DPW xaq u leeyihiin in ay sii kireeyaan Biyaha Dekeda Berbera oo Somalilandna ay marti uga noqondoonto Dekedoodii.
3- Waxaa u cadaatay in DPW ay kor u sii kicinayso cashuurta sanadkiiba laba jeer si ay ula tartamaan Dekedaha mandaqada lacagtoodana ugala soo baxaan.
4- Wuxuu ogaaday in ay Meesha ka baxday xuquuqdii shaqaalahii hore ee Dekeda iyo shirkadihii yar yaraa ee Sub-contracts ka qaadan jiray Dekeda Berbera.
5- Wuxuu ogaaday in ay khal-khalaayaan cashuurtii xoolaha ka dhoofa Dekeda iyo marinadii ay u dhoofi jireen Xoolaha Somaliland
6- Wuxuu dersay in ay khal-khali karto oo hoos u udhici karto quwadii dawladeed ee Food security hadii ay abaaro ba’ani ay dalka ka dhacaan.
7- Wuxuu quudhsaday sheerka yar ee Somaliland yeelanayso oo ah 35% kaas oo ah cad-quudheed oo aan Ummadda Somaliland lagu qancin karin.
8- Wuxuu ka digay in aan loo baahneyn in mudo dheer oo 30 sanadood ah Maareyntii iyo Maamulkii Dekeda Berbera ee dalku aan marti laga noqon karin .
9- Wuxuu ogaaday in heshiisku diidan yahay in dhamaan Dekedaha kale ee Somaliland Sida Lughaya, Xiis iyo Maydh in la maalgeliyo ilaa heshiisku uu dhamaado.
10- Wuxuu garowsaday in Shirkada DPW sameynayso Haamo shidaal oo iyada u gaar ah oo meesha ay ka saarayso ganacsatadii hore ee Haamaha shidaalka ee Berbera.
11- Wuxuu aad u dersay in Shirkada DPW uu musuq-maasuq hadheeyey oo ay hore ugu fashilan tahay oo qalabkii ka furatay Dekedo badan oo Mandaqada ah sida. Dekeda D-Jabouti, Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon iyo Dekeda Senegal.
12- Wuxuu Ali ogaa in aaney shaqaalaha Dekedu aheyn oo keliya 850 qof ee pay role ka kujira hase yeeshee ay jiraan ilaa 4000 oo kale oo shaqaale dadban ah oo Dekeda ku nool sida Shaqaalaha Geele A iyo Geele B, shaqaalaha Salvatorka, Shaqaalaha geel jiidka, Shaqaalaha Hoos-ugalaha, Shaqaalaha, Xeeb-uyaalka, shaqaalaha Barakataaliga, Shaqaalaha Cows gogolka, shaqaalaha Berbera morning group iyo Saaxil groups. sidaa daraadeed dad rayid ah oo iyana gaadhaya ilaa iyo 200 qof iyo shaqaalaha muruq maalka ah ee sida toos ah iyo si dadbanba ugu nool Dekeda marka laysku daro ay gaadhayaan ilaa 5000 oo qof. Taas oo dhamaan shaqaalahaas aan pay role ka ku jirin aanay xuquuqdoodu ku cadeyn Heshiiska lala galay shirkada DPW.

Boowe markaad u fiirsato nuxurka qodobadan sare maxaa kaaga soo baxaaya? Sow maaha aan ka fuudee Allow fii haa. Allow fii Haaa !!! Maadaama ilaa iyo hada ay qabyo yihiin Xeerarkii iyo Xeegaanadii jideyn lahaa Wareejinta Hantida Maguuraanka ah ee Qaranka Somaliland, Waxay shacabweynaha reer Somaliland ay markhaati ka noqon doonaan sifaha uu u hirgalo Heshiishkan DPW lagu wareejeiyey Dekeda Berbera mudo 30- sanadood ah.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh. Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq. Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle. Qoraa Madaxbanaan. Intensive Advisor ED BD PA. United Kingdom, London

Comments are closed.

Contact us

Email: info@globalpressonline.com